Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay lacag duldhigtay hogaamiye sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab sida ay shaacisay Warbaahinta dalka Kenya.
Wasaarada arimaha gudaha dalka Kenya ayaa ku warantay in ay lacag dhan 2 million oo ah lacagta dalka Kenya la siin doonto cidii soo sheegta xog ku aadan hogaamiye sare oo lagu eedeeyay in uu maleegay weeraro badan oo lagu qaaday dalka Kenya gaar ahaan degmada Lamu.
Joseph Boinnet oo ah Taliyaha Ciidamada Booliska ee Dalka Kenya ayaa sheegay cidii soo gudbisa xog sahlikarta in la soo qabto Sarkaalka lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Sheekh oo ka tirsan Al-Shabaab la siin doono lacagtaasi.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay suurtagal tahay in Sarkaalkaan inuu ku dhuumaaleysanaayo Keymaha Boni ee dalka Kenya.
Cabdullaahi Cabdi Sheekh oo ah sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay in uu dilay ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa saldhigyo kala duwan oo ku yaala gudaha dalka Kenya.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Cabdullaahi Cabdi Sheekh uu halis ku yahay ammaanka dalka Kenya.
Cabdullaahi Cabdi Sheekh ayaa ka dhex muuqday muuqaalo ay soo saareen Al-Shabaab oo looga hadlaayey weeraro kala duwan oo lagu qaaday dalka Kenya.