Kenya oo Amartay in Baaritaan lagu Sameeyo dilkii Xaafadda Islii

Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa Amar ku bixiyay in Baaritaan deg deg ah lagu Sameeyo dilkii Ciidanka kenya ay Xaafadda Islii ugu geysteen Labo Wiil oo mid ka mid ah uu yahay Soomaali oo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin Kooxda Supper Power.

Taliyaha ayaa sheegay in Falkaasi uu yahay mid laga Argagaxo  ,madaama Ciidanka ay dilka u geysteen si ka baxsan Sharciyadda dalka Kenya.

Waxaa uu sheegay in ay xireen Askarigii Falkaasi geystay ,islamarkanaa ay ku sameyn doonaan Baaritaan deg deg ah.

Hay’adaha u dooda Xuquuqul Aadanaha ayaa Cambaareeyay dilkaasi oo ay ku sheegeen in uu ahaa Xadgudub weyn oo ay ku kaceen Ciidanka Booliska Kenya.

Warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’adda u dooda xuquuqul Aadanaha ee Amnesty international ayaa lagu sheegay in Booliska Kenya ay dadka dilaan iyagoo aan ku sameyn baaritaan.

Waxaana ay hay’addu ay sheegtay in ay geysteen 120 dil oo Sharciga ka baxsan.