Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Xasan Geelle ayaa sheegay in uu dhamaaday Khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Ahlusunna iyo sidoo kale Galmudug.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Galmudug ay tahay maamul goboleed la aqoonsan yahay ,islamarkaana Ahlusunna ay kasoo horjeeday Madaxweynihii Galmudug ee xilka iska casilay.
Sidoo kale waxaa uu rajo wanaagsan uu ka muujiyay in Ahlusunna ay la midowdo maamulka Galmudug.
Maamulka Ahlusunna ayaa kasoo horjeeda maamulka Galmudug ee ka dhisan Magaalada Cadaado.
Mas’uuliyiinta maamulka Ahlusunna ayaa u muuqday maalmihii lasoo dhaafay in doonaayaan in ay ka qeyb qaataan Doorashada Galmudug.


