Kadib markii la shaaciyay in Jose Mourinho uu falanqeeye ka noqon doono kanaalka Bein Sports Abu Tarika oo qoraal yaab leh bogiisa soo dhigay

Waxay aheyd maalinimadii shalay markii kanaalka Sposrtiga laga daawado ee Bein Sports shaaciyeen in ay heshiis la gaareen macalinkii hore ee kooxaha Chelsea Inter Milan Real Madrid iyo Manchester United ee Jose Mourinho.

Kanaalka Bein Sposrts ayaa sheegay in Jose Mourinho uu falanqeyn doono kulamo ay kamid yihiin kulanka adag ee kooxaha Chelsea iyo Arsenal cayaari doonaan 19ka bishaan Janaayo si lamid ah kulanka ka tirsan koobka qaramada Asia kaasoo ay cayaari doonaan xulalka Sacuudiga iyo Qatar.

Hadaba xidigii hore ee kooxda Al-Ahli iyo qaranka Masar hadana ah muxalil cayaaraha ka faalooda ee Abu Tarika ayaa si layaab leh uga falceliyay warka sheegay in in Jose uu Bein Sports kala shaqeyn doono cayaarahana isla falanqeyn doonaan.

Abu Tarika ayaa horay u eedeeyay qaab ciyaareedka iyo falsafada difaaca ku dhisan ee uu cayaaro macalin Jose Mourrinho wuxuuna dhowr mar si aan gabasho laheyn u dhaliilay taatikada macalinka reer Portugal lkn markii ay soo baxday inuu Bein Sports kala shaqeyn doono ayuu qeybta Commentiga qoraalka bayaanka lagu soo saaray kaga dhiibtay Commentigaan hoos ku qoran asigoo yiri “marba haduu noqday saaxiibkeyga shaqada Alle hanaga cafiyo wixii tagay yaa Mourinho yaa maclinkii macalimiintow” qoraalkaasoo qosolka ka dhameeyay dadkii akhristay.