DHAGEYSO: Xildhibaan sheegay in dowladda aysan wali xoreyn Afgooye

Xildhibaan Xassan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka,islamarkaana maanta gaaray  degmada Afmadow ayaa  ka hadlay arrimo kala duwan oo ay qayb ka yihiin howlgalada xoreynta ah gobolka Jubbada Dhexe.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Ciidanka Jubbaland ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab ay kala wareegaan guud ahaan gobolka Jubbada dhexe , islamarkaana hadda uu socdo abaabul ku aadan arintaasi.

Waxaa uu xusay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan xoreyn karin gobolka Jubbadda dhexe, maadaama wali aysan gaarin degaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose sidda Afgooye iyo in aysan wali sugin Ammaanka Muqdisho.

Waxaa uu dadka kunool degaanada Jubbaland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’addaha kala duwan ee maamulka Jubbaland si looga fagaado in dhibaato loo geysto maamulka Jubbaland.