SAWIRO: Tartan Qur’aan Akhris ah oo Todobaadkii Labaad ka socda Risaala

Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa Isbuucii Labaad waxaa ka socda tartan Qur’aan Akhris ah oo ay ka qeyb galayaan ku dhawaad 70 arday oo kunool Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.

Ardayda ka qeyb galeysa tartanka ayaa ku tartamaya 30-ka Juz ee Qur’aanka Kariimka ah , waxaana ay isugu jiraan wiilal iyo Gabdho.

Tartankaan ayaa waxaa maalgalinaya Xarunta Ibnu Qayim Aljowsi oo looga bartay isku daweynta Qur’aanka Kariimka ah.

Tartanka ayaa socon doona Muddo dhan 3 Bilood, waxaana la qabtaa maalmaha Jimcaha iyo Khamiista.

Cabdiladiif Cabdullaahi Ibraahim iyo Cabdiwaahid Cabdullaahi Ibraahim oo ah labo wiil dhalinyaro ah ayaa maanta ka qeyb galay tartanka.