Qandaraaska uu laacibkan kula jiro kooxdiisa ayaa dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedkan, taasna waxa ay ka dhigantahay inuu si bilaash ah ugu biiri doono kooxdii uu doono.
Kooxaha kala ah Manchester United, Liverpool iyo Chelsea ayaa lala xiriiriyay Ramsey, sidoo kale kooxaha ka dhisan Taliyaaniga ayaa ku jira baadi goobkiisa.
Dhowaan ayay Liverpool caddeysay inuusan qorshaha ugu jirin xiddiga reer Wales, waxaana ay yareysay loollanka loogu jiro kubbad sameeyahan.
Sidoo kale kooxaha laacibkan lala xiriiriyay waxaa ka mid ahayd kooxda Chelsea, hase ahaatee Blues iyadana waa ay iska fogeysay xiiseyntiisa.
Tani waxa ay ka dhigantahay in laacibkan ay lasoo gudboonaatay hoos u dhac aad u baahsan maadaama qaar ka mid ah kooxihii waaweynaa ee doonayay saxiixiisa ay isaga baxeen iyagoo si bilaash ah ku heli kara.
AC Milan, Lazio iyo Juventus ayaa ka mid ah kooxaha xiisahiisa isugu soo haray, waxaana soo raaca United.
Dhammaan kooxahaasi waxaa la fahansanyahay inay 27-jirkan doonayaan inay kooxahooda ku biirriyaan, se lama oga, jawaabaha kugu dambeeya ee iyagana kasoo bixi kara.



