Fabio Paratici oo ah gaasimaha cayaaraha ee Juventus ayaa Arbacadii lagu arkay caasimadda Paris, xilli kooxda reer Talyaani ay laacibiin badan ka dooneyso Paris Saint Germain.
Saxiixa Edinson Cavani, Adrien Rabiot iyo Javier Pastore ayay daneyneysaa Bainconeri, sidaas waxaa baahiyay wargeyska ug afka dheer Talyaaniga ee Tuttosport.
Cavani oo ay kooxo badan wada doonayaan ayaa jeceyl badan u qabo inuu dib ugu laabto Serie A-da, halka Pastore oo isna markii hore ka teggay Talyaaniga uu keyd ka galay PSG.
Agaasimaha cayaaraha Juve ayaa sida la sheegay wada-hadal la yeeshay maamulka sare ee PSG, waxuuna kala hadlay in laga iibiyo 3-dan cayaaryahan.


