Jurgen Klopp Oo Fariin U Diray Taageere Kasta Oo Kooxdiisa Jecel Ka Hor Xili Ciyaareedka Cusub

Jurgen Klopp ayaa dareensan in ay jiraan wax badan oo ka bedelay kooxda Liverpool tan iyo markii uu isaga yimid.

Macalinka German ayaa yimid Anfield bishii October sanadkii la soo dhaafay waxaana uu la kulmay sawaxanka jamaahiirta kooxda kasoo uu ku sheegay mid xiiso gaar ah leh.

Laakiin 49-sano jirkaan ayaa cadeeyay in uusan doonaynin dareenka oo dhan in lasiyo isaga si aan loogu xukimin in uu yahay mid leh wajiyo  funny ah oo uu kuso jiito jamaahiirta.

“Nasiib waxaan ahay tababare ,kasoo suurta gal ka dhigay in uu halkaan keeno ciyaartooyda ugu wanaagsan,” Klopp ayaa u sheegay Goal

“Waxaan ahay  hal nin ma ihi wax kabadan, Waxaan marna rajeyneyn in aan noqdo wax nolosha marnaba aysan noqon karin.

“Waan ogahay inaan television ama ciyaartoyda hortooda kaso muuqdo inigoo sameynaya waxyaabo qosol leh in aan qoslo qof walba waa uu arki karaa waqti kasta waayo waa dabeecadeyda.

“Ma rabo in dareenka oo dhan Anigu isiisaan mana jecli, laakiin waxaan aqbali doona waxkasta oo kamid ah heshiiskii aan halkaan ku imidi in aan fuliyo