Bale , Ronaldo & Benzema Oo Seegi Kara Super Cup Europe

Tababaraha Kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa Laga yaabaa in uu sameeyo isku shadheyn kooxdiisa ah, isagoo weyn doona seddex ee ugu muhiimsan kooxdiisa Kulanka UEFA Super Cup ee ee kooxdiisa ku wajaheyso Sevilla dalka Norway todobaadka soosocda.

Cristiano Ronaldo ayaa seegi doona kulankaan ka dib markii dhaawac jilibka ah uu kasoo gaaray kulankii ugu dambeyay Euro 2016 July 10.

Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa weli fasax aan kasoo laaban, isagoo la qorsheeyay in uu yimaado Tababarka 10 August, waana Bil ka dib markii uu ku guuleystay tartanka qaaradda Yurub.

Zidane ayaa sheegay habeenkii arbacada in la sameyn doono is bedelo dhanka weerarka ah kulankaan adage e kooxdiisa ciyaareyso.

“Waqtigaan la joogo waxaa jira dhaawac,” tababaraha Faransiiska ayaa sheegay ka dib markii Madrid kooxdiisa ‘International Champions Cup New York 1-0 ku garaacday Bayern Munich.

“Sidookale Madrid ayaa kulankaan weyn doonta Benzema iyo Bale kuwasoo marxalkado dhawac ah qaba, waxaana sidaas kaga maqan kulanka UEFA Super Cup weerarka sharta badan ee BBC.