Arsenal waxay noqon doontaa mid dhimata” haddii Barcelona ay joojiyaan Mesut Ozil kulanka Champions League ee caawa sida uu aaminsan yahay Thierry Henry.
Xiddiga Jarmalka ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed aad u fiican, isagoo Premier League ka ku dhaw inuu soo barbareeyo rikoorka caawin ee Henry.
Wenger ayaa xaqiijiyay in Ozil uu ku soo laaban doono kooxda kulanka caawa wareega16-ka lugta hore ay wajahayaan Barcelona.
Henry, oo matalay labada kooxood intii uu mustaqbalkiisa ciyaareed kujiray, ayaa aaminsan in ciyaaryahankii hore ee Real Madrid muhiimada ugu weyn uu u yahay Arsenal
Barcelona haddii ay jiijiyaan Mesut Ozil, waxa dhiman doonta kubadda Arsenal ayuu yiri.


