Japan” Waan balaarinaynaa howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda”

War ka soo baxay wasaarada difaaca dalka Japan ayaa lagu sheegay in dowladda Japan ay balaarinayso howlgalka ciidankeedu ay wadaan xeebaha badweynta Hindiya iyo sidoo kale gacanka cadmeed.

Dowladda Japan ayaa sheegay la dagaalanka Burcad badeeda in ay sii wadi doono ilaa sanadka 2017,islamarkaana ay aaminsantahay in ay waxbadan ka badashay howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda ee xeebaha Soomaaliya.

“kulan ay yeesheen golaha ammaanka qaranka ee dalka Japan ayaa lagu go’aamiyay in sare loo qaado howlgalka la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda,waxaana lagu isku afgartay in la sii wado howlgalka ilaa iyo 2017”Sidaas waxaa wariyaasha u sheegay wasiirka wasaarada difaaca dalka Japan Nakatani.

Ra’iisulwasaaraha Japan Shinzo Abe’s  ayaa sheegay dhankiisa in ay muhiim tahay badqabka muwaadiniinta reer japan ee ku safarayaa xeebaha ka baxsan dalka Japan sidaas darteedna dowladda Japan ay diyaar u tahay in ay sare u qaado qorshayaasha ammaan ee qaarada Afrika .

Dowladda Jaban ayaa ka mid ah dowladdaha la dagaalama kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.