Galgaduud-RisaalaFM- Ciidamo ka tirsan xoogga dalka ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee Bariga Galguduud Col Axmed Tareedisho ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 7 Shabaab ah halka sideed kalana lagu dhaawacay howlgalkaasi.
“Saldhig ay Al-shabaab lahaayeen oo ku yaalla Deegaanka Masago-waay ayaan weerarnay, Saldhigga waan burburinay, waxaan halkaas ku dilnay 7 katirsan Al-shabaab 8 kalana waan ka dhaawacnay hubkoodiina waan soo furanay” ayuu Yiri Col Tareedisho.
Sidoo kale Taliyaha ayaa intaa ku daray in halkaasi uu ka baxsaday Horjoogihii uqaabilsanaa dhanka gobolka Galgaduud.
Xigasho:- SONNA


