Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Jabuuti ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay Shabaabka ay ku qaadeen saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne.
Ambassador Aadan Xasan Aadan oo ah Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Dowladda Jabuuti in waxba uusan u dhimi doonin weerarkii Beledweyne go’aankeeda ah in Soomaaliya ay ka dhigto meel nabad ah.
Wuxuu sheegay Dowladda Jabuuti iyo shacabkeeda in ay mar walba garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya, ujeedadoodana ay tahay sidii Dowladda Soomaaliya ay u heli laheyd xasilooni iyo nabad waarta.
Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Ambassador Aadan Xasan Aadan ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM , si looga hortago weerarada Shabaab.


