Kooxda Daacish ayaa si buuxda ula wareegtay degmada Qandala ee Gobolka Bari , ka dib weerar ay saaka kusoo qaaday deegaankaasi.
Gudoomiyaha degmada Qandala Jaamac Axmed Khuurshe oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in Daacish ay qabsaday degmada Qandala ,islamarkaana ay iskaga baxeen ciidamadii maamulka Puntland ee halkaasi ku sugnaa.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulka degmada ay iskaga carareen degmada ka dib markii kooxdaasi ay soo gashay inta badan xaafadaha Magaalada Qandala ee gobolka Bari.


