Shirkii 46-aad ee Golaha Fulinta ee Addis Ababa ayaa waxaa xubin ka tirsan golaha nabada iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) loo doortay Itoobiya, mudada uu socday shirka, kaasi oo mudadeedu noqon doonto saddex sano ah keliya.
Codeyn dhacday ee Kursiga Bariga Afrika ayaa Itoobiya heshay 38-cod, kadib markii ay ka guuleysatahay dalalka Rwanda iyo Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Rwanda ayaa helay hal cod iyo toban cod, waxaana tlaabadan ay xoojinaysa joogitaanka diblomaasiyadeed ee Itoobiya ee hay’adda ugu saamaynta badan dhinaca amniga ee qaaradda, maadaama Magaalada Adis Ababa ay ku taalo Xarunta Midowga Afrika.
Kursigan ay ku guuleystay Itoobiya ayaa waxaa uu fursad siinayaa arrimaha ku aadan nabada iyo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika oo dhan, oo ah gobol ay astaan u tahay xasillooni darro baahsan oo waqtiga kasto dhaca.
Doorashada Itoobiya ayaa imaanaysa xilli ay Adis Ababa ay doonayso in ay kordhiso saamaynta ay ku leedahay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Arintan ayaa sidoo kale waxaa ay ku soo adaysaa, iyadoo dhawaan xal laga gaaray culeysyadii hor taagnaa in Itoobiya ay si rasmi ah uga qeybgasho howlgalka Cusub ee AUSSOM, waxaana maalmaha soo aadan lagu wadaa in la dhameystiro macluumaadka ugu dambeeya ee qaabka iyo tirada ciidamada Itoobiya ee howlgalkaan kamid noqonayaan.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka, oo loo aasaasay ururka Midowga Afrika ee ka hortagga, maaraynta, iyo xallinta khilaafaadka, ayaa door dhexe ka ciyaara qaab dhismeedka amniga qaaradda.
Addis Ababa waxay hadda yeelan doontaa kursi safka hore ah si ay u qaabayso jawaabaha amniga ee qaaradda, gaar ahaan faragelinta dawladaha jilicsan iyo dadaallada dib u dhiska ka dib.
Marka la eego danaha juqraafiyeed ee sii kordhaya ee Geeska Afrika, xubinnimada Itoobiya waxay u oggolaanaysaa inay ka hortagto saamaynta dibadda iyadoo horumarinaysa ajandaheeda gobolka.
Itoobiya ayaa awood u yeelanaysa inay qaabayso doodaha iyo go’aannada ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee ammaanka Geeska Afrika iyo kuwa kaleba, Aarintan ayaa waxaa ka mid ah in saameyn lagu yeesho istaraatiijiyada maaraynta khilaafaadka iyo hawlgallada nabad ilaalinta ee qaaradda, xilli Itoobiya lafteedu ay ka soo baxayso colaadda gudaha ee gobolka Tigray