Xoghayaha guud ee QM Antoniyo Gutares ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa uuna ka qeyb geli doonaa meertada 38aad ee shirka midowga Afrika.
Raysal’wasaare ku-xigeen dalka Itoobiya Temesgem Truneh ayaa xoghayaha kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole.
Doorashada oo u dhici doonta hannaan qarsoodi ah, waxaa ku guuleysan doona murashaxi hela kalsoonida saddex-meelood laba meel xubnaha ururka.
Sanadkan, xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, waxaa saami qeybsi u leh wadamada dhaca Bariga Africa, iyada oo ay ku tartami doonaan mursahaxiin ka socda Jabuuti, Kenya, iyo Madagascar.
Sababtu waxa ay tahay in waddamada xubnaha ka ah midowga Afrika ay fursad u heleen masuulkii bedeli lahaa guddoomiyaha hadda talada haya ee Moussa Faki oo ah muwaadin u dhashay dalka Chad oo xilkaasi hayay tan iyo sannadkii 2017-kii.
Midowga Afrika ayaa maalmo kadib dooran doona guddoomiye cusub, iyadoo saddex murashax ay ku tartamayaan inay matalaan qaaradda ay ku nool yihiin ilaa 1.5 bilyan oo qof, xilli ay sii kordhayaan colaadaha ka aloosan qeybo ka mid ah qaaradda Afrika.
Musharraxiinta ayaa laga doonayaa inay kasoo baxaan shuruudda waxbarasho ee Midowga Afrika uu go’aamiyay sida in shahaadada sare ay ka heystaan cilmiga sharciga, xiriirka caalamiga ah, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, maamulka, maamulka ganacsiga, sayniska siyaasadda, sayniska bulshada iyo wixii la mid ah.
Illaa intii uu ka soo guuray Midowga Afrika (African Union) magaciisii hore ee ahaa Ururka Midnimada Afrika (Organization of African Unity) goluhu wuxuu qabtay shan doorasho, hoggaankii ugu horreeyay ayaana xilka hayay intii u dhexeysay 2003 illaa 2008dii.
Waxaa la sugayaa go’aanka dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, iyadoo tartankan lagu tilmaamayo mid xasaasi ah oo go’aamin doona jihada ururka sannadaha soo socda.