Madaxii deegaanka Jowle ee AS iyo ilaaladiisa oo lagu dilay G/Mudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ay howlgal ka dhacay deegaanka Jowle ay ku dileen saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay Cabdulaahi Siciid Bulxiye oo ahaa Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Deegaanka Jowle ee gobolka Mudug.

Sidoo kale howlgalka ayaa waxaa lagu khaarijiyay 10 dagaalame, kuwaasi oo ahaa ilaalio hoggaamiyihii deegaankaasi.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Caseyr Ibraahim Mataan ayaa Risaala Media u sheegay in deegaano badan ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana uu weli socdo howlgalka.

Jowle oo dhacda goob istiraatiiji ah ayaa Xarardheere ku xiriirisa Magaalooyinka Hobyo, Gaalkacyo, Cadaado, Ceeldheer, Galhareeri iyo Ceelbuur.

Hawlgalkan ayaa culeyska ku kordhinaya Al Shabaab, oo hadda uu guluf ballaaran kaga furan yahay Gobolka Hiiraan