Dagaal xooggan ayaa maanta mar kale waxaa uu ka qarxay deegaanada Jiicboor, Miigaagta iyo Saaxa-qurun ee galbeedka Gobolka Mudug , kaasi oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka ah, waxaana fashilmay isku day dadaal nabadeed oo socday.
Dagaalka ayaa salka ku hayo muran ka dhashay dhul daaqsimeed iyo Ceelbiyood halkaasi ku yaala, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinacyada ay dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Labada maleeshiyo ee dagaalka uu u dhaxeeyo ayaa ka soo kala jeeda koonfurta Magaalada Gaalkacyo iyo Degmada Galdogob.
Ma jirto cid illaa iyo hadda kala dhex gashay maleeshiyadaasi, balse odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa dhowr jeer ooh ore ku baaqay ku baaqay in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga wada shaqeeyo.
Colaadda beelahan deriska ah ayaa ku soo noqnoqotay gobolka, iyaga oo ka dhaxlay dib-u-dhac, amni darro iyo in dhiig badani oo dhexdooda ah ay iska daadiyaan.
Dhowrkii sano ee ugu dambeysay beelahan ayaa nabad iyo iskaashi dhinaca horumarka ah ku wada joogay gobolka, ka dib heshiis nabadeed oo sanadkii 2020 ay ku gaareen Degmada Bandiiradley.
Colaad beeleedyo ayaa si aan kala joogsi laheyn uga socda inta badan deegaanada maamulka Galmudug kuwaasoo saameyn ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada.