Itoobiya oo eedeeyn u jeedisay Somaliland

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Itoobiya Negeri Lencho ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka Somaliland ay ka qeyb qaateen barakicinta lagu haayo dadka Oramada ah ee kunool degaanada maamulka Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Somaliland ay hareer martay Sharciga Qaxootiga iyo Muwaadiniinta Itoobiya ,islamarkaana degaanada ay xoog uga saartay dad Oromo ah.

Waxaa uu ku eedeeyay in Somaliland 3,000 oo qof oo Oromada ah ay qasab uga barakiciyeen degaannada Waqooyiga Somaliland,islamarkaana ay wali sii waddaan.

Wasiirka ayaa xusay in ay waddaan baaritaano ku aadan Waxyaabihii Sababay dagaalkii dhexmaray Oromada iyo Soomaalida.

Tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada Oramada iyo Soomaalida ayaa Somaliland waxa ay bilowdeen in ay degaanadeeda ka saarto dadka Oromada ah ee degaanada Somaliland ku sugan si aan loo dilin.