Weeraryahanka reer France Alexandre Lacazette ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay cayaar Arsenal 2-0 ku dubatay naadiga West Brom kana tirsaneyd Premier League.
Naadiga West Brom ayaa si wanaagsan ku bilaabatay waxayna qaybaha hore ku dhawaadeen inay hogaanka la wareegaan.
Balse Alexandre Lacazette ayaa kulankaan gool ku daah furay daqiiqadii 20-aad asigoo xidigaan madaxa ku dhaliyay kubad laad xor ahayd oo markii hore Alexis Sanchez qoriga goosha ku dhuftay.
Alexandre Lacazette wuxuu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee Arsenal ka tirsan kaasi oo Premier League sedex kulan oo isku xigto garoonkiisa goolal ku dhalinaayo bilaabashadiisa.
Waxaana ugu dambeesay sanadii 1988 cayaaryahan Arsenal ku cusub oo sedexda kulan ugu horeyso horyaalka kulamada garoonkooda goolal dhaliyo.
Inkastoo kulankaan Arsenal qaybta hore ku gacan sareesay ama daqiiqadii ugu dambeeyay Arsenal culees badan ayaa la saaray waxayna Gunners-ka u mahad celinayaan Nacho Monreal oo goosha cidlo ah kubad ka bad baadiyay Arsenal.
West Brom waxay ka xumeen in qaybta hore cayaarta la aado xili ay isla soo qabsadeen laakiin macalin Wenger xiliga nasiinada kooxdiisa wey u baahneyd si ay dib isugu soo aabulaan ayagoo 1-0 hogaanka ku hayeen.
Qaybta labaad ee cayaarta Arsenal ayaa maamulkeeda sii wadatay waxaana loo dhigay gool ku laad ama rigoore daqiiqadii 67-aad kadib markii Aaron Ramsey qalad lagu galay waxaana gool u badalay Lacazette.
Lacazette wuxuu ku faraxsan yahay ku cayaarida Emirates madaama uu 4-gool ku dhaliyay garoonkaan sedex kulan uu ku cayaaray.
Lacazette ayaa sidoo kale iska qasaariyay fursad uu sedexleydiisa ku dhameestiran lahaa waxaana qaybihii dambe kulankaan lagu badalay Olivier Giroud.
Arsenal ayaa guusha ku qaadatay 2-0 sidoo kalena 10-dhibcood ayay leedahay 6-kulan oo ay Gunners-ka cayaartay ayadoo kaalinta 7-aad ku jirto.
West Brom guul darada ku dhacday waxay ka dhigan tahay inay booska 12-aad u dhaceen waxayna leeyihiin 8-dhibcood ayagoo cayaareen 6-kulan.




