Weerar Khasaare dhaliyay oo ka dhacay Jowhar

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, ciidamo ka wada tirsan Booliska Magalaada ayaa ku dagaalamay Magaaladaasi.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamo canshuur ka qaadaayay Suuqa Khudaarta Magaalada Jowhar iyo ciidan kale oo suuqa yimid ay isku dhaceen.

Isku dhaca dhexmaray labada Ciidan ayaa wuxuu sababay geerida Hal ruux oo ka mid ahaa dadkii joogay Suuqa Khudaarta Xaafada Hanti wadaag ee Magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray laba ruux oo ka mid ahaa dadkii Suuqa joogay kuwaasi oo Isbitaalka Magaalada Jowhar dhaawacooda loo qaaday.

Ciidamada Booliska ayaa soo xiray askariga bilaabay rasaasta, kaasi oo hadda ay ku socoto Baaritaano sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar.