Muqdisho-RisaalaFM- Tartanka Iskuulada Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir ee ka socday Idaacada Risaala oo ay taabagelinaysay Warshada Cabitaanada COCA COLA, ayaa si rasmi ah galabta loogu soo gaba gabeeyay Xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala.
Tartankaan oo soo bilowday Bilowgii Bishaan, islamarkaana soo maray heerar kala duwan,maadaama ay ku tartamayeen 14 Iskuul oo ku yaallo Gobolka Banaadir, ayaa ugu dambeyn galabta waxaa kulankii kama dambeysta ahaa isku arkay labada Iskuul ee kala ah Boqor Fahad iyo Iskuulka Abii Xaniifa.
Iskuulka Boqor Fahad ayaa noqday Iskuulka galay Kaalinta Koowaad ee Tartanka, wuxuuna ku badiyay 11 Dhibcood, isaga oo hal dhibic kaliya guusha kaga qaaday Iskuulka Abii Xaniifa oo la yimid 10 Dhibcood.
Markii tartanka lasoo gaba gabeeyay, waxaa halkaasi durba halka lagu qabtay Munaasabada Abaalmarinta lacagaha laga guddoonsiinaayay labada Iskuul, sidii looga bartay Idaacadda Risaala oo sanad kasta marka tartanka uu soo dhamaado Iskuulada horay ka gudoonsiisa lacagta.
Masuuliyiin ka socotay Warshada Cabitaanada Coca Cola oo ku sugnaa madasha Xafladda ay ka dhaceysay ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin qabsoomida tartankaan iyo soo gaba gabeyntiisa.
C/wahaab Maxamed Cabdulle oo ah xubin ka socotay Warshada Cabitaanada COCA COLA, ayaa sheegay inay u taagan yihiin markasta dhiiragelinta dhalinyarada Somaliyed ee Waxbarashada ku jira.
Mahad Nuur Cismaan oo ah Macalin ka socday Iskuulka Boqor Fahad ee Kaalinta Koowaad galay, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin guddoomista lacag dhan $1,000 oo Warshada Cabitaanada COCA COLA ay bixisay.
Agaasimaha Idaacada Risaala Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa sheegay in ujeedka Idaacadda Risaala ay u qabatay tartankaan uu yahay dhiiragelinta afka Soomaaliga, isaga oo ugu dambeyn u mahadceliyay Warshada Cabitaanada COCA COLA oo suuragelisay qabsoomida tartankaan.
Waa sanadkii 7-aad ee Idaacadda Risaala ay qabaneyso Barnaamijka Tartanka horumarinta Af Soomaaliga iyo Barashada Taariiqda dalka.




