Muqdisho-RisaalaFM- Xarunta Dhexe ee Idaacadda Risaala magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Tartanka Qur’aan akhriska oo sanad walba bisha Ramdaan marka la gaaro Idaacaddu ay qabato, waxaana la abaalmariyay dhammaan ardayda kaalmaha hore ka galay Tartanka.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Idaacadda Risaala ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Idaacadda Risaala oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Idaacadda Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi, Madax ka socotay shirkadaha maalgelinayay Tartamada Qur’aanka, Guddiyada Tartamada iyo Waalidinta Ardayda la abaalmarinayay, iyada oo kahor inta aan abaalmarinta la bixin ardayda ay ku kala tartameen kala horeynta kaalmaha.
Risaala ayaa sanadihii hore waxay qaban jirtay Tartamo Qur’aan akhris ah oo wiilal iyo gabdho isugu jira iyo Tartan Qur’aan oo u gaar ah gabdhaha, balse sanadkan ayay soo kordhisay Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu dhex qabanayay Masjidka Kuweyd oo ku yaalla degmada Dharkeynley, si toos ahna looga baahinayay Idaacadda.
Tartamadan ay qabaneysay Risaala ayaa waxaa lagu tartamayay 30-ka Juz ee Qur’aanka Kariimka, waxaana ardaydan ay da’dooda ka yar tahay 25-ka sano, iyaga oo isugu jiray wiil iyo gabdho.
Tartamadan ayaa waxaa taabagelinayay shirkado jecel in ay ku tartamaan kheyrka, Tartanka Qur’aan akhriska gabdhaha ayaa waxaa maalgelinayay shirkadda Waaberi Jumbo Company (Waaberi Group), Tartanka Qur’aan akhriska wiilasha waxaa taabagelineysay Ibnu Qayim Al-jawzi iyo tartanka Qur’aan akhriska ee lagu qabanayay Masjidka Kuweyd oo ay maalgelineysay shirkadda Dahabshiil Group.
LIISKA ARDAYDA GUULEYSATAY IYO ABAALMARINADA LA SIIYAY
IBNU QAYIM AL-JAWZI
1.Xamza Maxamed C/laahi 400$
2 .Faysal C/laahi Xasan 300$
3.Faysal C/raxmaan Maxamuud 200$
DAHABSHIIL GROUP
1.C/salaam Xuseen Yuusuf 1,000$
2.C/laahi Xasan Xuseen 5,00$
TARTAWAABERI JUMBO COMPANY (WAABERI GROUP)
1.Naciima Shariif Macalin Yuusuf 400$
2.Anisa Maxamed Saciid 300$
3.Fartuun Maxamed Xuseen 200$
Dhammaan Madaxda ka socotay shirkadaha ee Munaasabadda ka soo qeyb galay ayaa Idaacadda uga mahadceliyay qaabka wanaagsan ee tartamada ay u qabatay, iyaga oo sidoo kale ku amaanay Guddiga tartanka sida cadaaladda leh ee ardayda ay ugu garsooreen, iyaga oo sidoo kale tilmaamay in mar walba ay dhiiragelin doonaan tartamada Qur’aan akhriska.
Ugu dambeyntii Agaasimaha Idaacadda Risaala Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa waxa uu marka hore u mahadceliyay dhammaan ardaydii tartanka ka qeyb qaadatay oo tir ahaan gaarayay 120, Shirkadaha tartamada maalgelinayay iyo Guddiga Tartanka iyo Waalidiintii ardaydan ku soo dadaalay.
Wuxuu sheegay ujeedka tartanka Qur’aan akhriska laga lahaa inuu ahaa dhiiragelinta ardayda Soomaaliyeed, maadaama tartan la qabto midka ugu qiimaha badan uu yahay midka Qur’aanka.
“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ku lug laheyd tartamada Qur’aanka, ujeedka tartamada waxay ahaayeen dhiiragelinta ardayda Soomaaliyed ee Qur’aanka bartay, Hambalyo ayaan leeyahay shirkadaha tartamada maalgbeliayay, waxaan rajeynayaa sanado kale inaan tartamadan oo kale qabano.” Ayuu yiri Agaasimaha Idaacadda Risaala.



