Inter Milan Oo Si Dirqi Ah Kaga Adkaatay Naadiga Southampton

Kooxda Inter Milan ayaa ku jirta maalmo murug iyo muruno guuldaro xambaarsan oo xanuun badan, taas oo keentay in jamaahiirta kooxda ka niyad jabaan oo noqoshada kooxdii xitaa hadii ay la wareegeen ganacsato ajinabi ah.

Narrazuri ayaa marti soortay kooxda ka imaata koonfurta England ee Southampton ciyaar ka tirsan tartanka Europe League oo qeyb ka ah wareega Group yada gaar ahaan Group K.

Antonio Candreva ayaa ka saaciday Inter Milan in ay guul ka gaarto kooxda reer England kulan ciyaareedkii ka dhacay garoonka San Siro ee magaalada Fashion ka ee Milan.

Lazio xiddigeedii hore ayaa caawin wanaagsan ka helay daafaca reer Taliyaani Davide Santon kaas oo siiyay kubad cajiib ahayd islamarkaana keentay In Kooxda Serie A da ka imaata ay guul dirqi ah ka gaaraan Claudio Puell naadiga uu maamulo.