Gerard Pique Iyo Jordi Alba Oo Seegi Doona Kulanka Labaad Ee Manchester City

Daafacyada Gerard Pique iyo Jordi Alba ayaa seegi doona kulanka labaad ee Barcelona Champions League ku wajaheyso Manchester City 1 November.

Labada daafac ee Spain ayaa laga saaray garoonka intii ay sotay ciyartii Barcelona 4-0 kaga badiyeen City garoonka Camp Nou.

Pique oo 29 jir ah, ayaa maqnaan doonaa seddex isbuuc ka dib dhaawac anqawga midig kasoo gaaray sida ay xaqiijisay kooxdiisa..

Daafaca bidix ee Alba oo 27 jir ah, ayaa maqnaan doona muddo laba todobaad ah kadib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaaray.

Alba ayaa waxaa lagu bedelaydaafaca reer France ee Lucas Digne 10 daqiiqo markii ay ciyaartu soctayb, halka Jeremy Mathieu lagu bedel Pique 39 daqiiqo, balse waxaa markii dambe laga saaray garoonka daafaca France kadib markii laba jaale oo xiriir ah uu qaatay.