DHAGEYSO WAREYSI: Xaashi Cumar oo ka hadlay sii deyntiisa

Xaashi Cumar Xasan oo ah Muwaadin Soomaaliyeed ayaa waxaa sii deysay Maxkamad ku taalla Dalka Italy, kadib markii lagu waayay dambi loo heystay.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa xabsi ku yaalla Dalka Italy waxa uu ku xirnaa ku dhowaad 20 sano, waxaana lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Dil gabar Wariye oo u dhalatay Italy loogu geystay Magaalada Muqdisho.

Xaashi Cumar Xasan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada aysan ka qeyb qaadan sii deyntiisa.