DHAGEYSO: Puntland oo eedeyn u jeedisay Dowladda Soomaaliya

Gaalkacyo-RisaalaFM- Cali C/laahi Warsame oo ah Wasiirka Deegaanka ee Puntland oo ka hadlay Dagaaladii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in Ciidamo ka tirsan Dowladda ay ka qeyb qaateen Dagaalkaas.

Wasiirka Deegaanka ee Maamulka Puntland Cali C/laahi Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Puntland ay heyso cadeymo ku aadan arrintaas.

Shalay ayay aheyd markii Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, waxaana Dagaalkaas uu u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug.