Inter Milan oo Isha ku haysa daafacyadan Ka tirsan Manchester City iyo Chelsea

Sida ay ku warrantay Tuttosport Inter Milan ayaq lumin doonga daafaceeda Joao Miranda, kaas oo kooxda San Siro ka dhaqaaqi doona bishan January.

Nerazzurri, ayaana waqti hore diiradda saaratay baddalka daafaca reer Brazil, iyada oo doonaysa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta ugu soo dhigto badalkiisa.

Warsidaha kasoo baxa Turin ayaana daaha ka rogay in Inter ay isha ku hayso saxiixyada Gary Cahill (Chelsea) iyo Eliquim Mangala (Manchester City).

Labadan daafac ayaana kooxaha isaga dhaqaaqi kara suuqa jiilaalka, halka haddii ay Miranda la iibiyo ay Inter isku dayi doonto in soo qaadato midkood.

Labadan daafac oo aan boos joogto ah aan ka haysan kooxahooda ayay suurta gal tahay in uu midkood u dhaqaaqo Serie A.