Arjen Robben oo ka hadlay kulanka Liverpool

Xidiga kooxda Bayern Munich iyo qaranka Netherland Arjen Robben ayaa ka hadlay asigoona walaac ka muujiyay isku aadka tartanka Uefa Chambions League iyo haduu kulanka Liverpool yahay mid sahlan.

Robben oo ugu horeyn ka hadlaayay kooxda Liverpool ayaa yiri “Liverpool waxay qabteen shaqo adag sidii sanadkii hore markii ay gaareen finalka Uefa Chambions League aniga ahaana waxay iiga mid tahay kooxaha ugu cad cad ee ku guuleysan karo tartan UEFA CHAMBIONS LEAGUE”

Mar uu ka hadlaayay isku aadka kooxaha Bayern iyo Liverpool wareega 16aad ee tartankaas UCL ayuu yiri “anaga waxay noo tahay qori tuurkii ugu xumaa waxayna ciyaartaasi noo noqon doontaa tijaabo adag waana inaan u diyaar garownaa”

Rabben oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “hadii aan galno maalin wanaagsan (maalinta aan Liverpool u baxeyno) una ciyaarno qaabka aan dooneyno waan hubaa markaas inaan Liverpool xaalada ku xumeyn karno”

Kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich ayaa dhamaadka bisha dambe ku balansan wareega 16aad ee tartanka UEFA CHAMBIONS LEAGUE waxaana kulankooda kamid yahay kulamada ugu xamaasada badan ee la sugayo.