Imaaraadka oo ka hadlay dilkii Wasiir Siraaji

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay ka tacsiyadeysay Geeridii naxdinta laheyd ee ku timid wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Cabaas Siraaji, kaasi oo ay dileen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Dhaxalsugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa Dowladda, Ehelada Marxuumka iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay Geerida Wasiir cabaas, taasi oo uu sheegay in ay aheyd mid Argagax leh.

Waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in la helo kala dambeyn iyo wada shaweyn dhexmarta masuuliyiinta iyo Ciidamada, si looga hortago falalka kediska ah ee mararka dhaca.

Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan Dhaxalsugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi ayaa ku baaqay in cadaalada la marsiiyo raggii ka dambeeyay dilka Wasiir Siraaji oo ahaa nin dhalinyaro ah, kuna dayanayeen dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhowaan booqasho rasmi ah ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxda Imaaraadka, kana wada hadleen xiriirka labada dal.