DHAGEYSO: Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xiriirka Labada dal

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira biyaha gaar ahaan biyaha wabiga shabeelle, kaasi oo dhowr jeer la isku qabsaday, murana uu ka dhashay.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, gaar ahaan biyaha wabiga shabeelle, kadib booqasho kooban uu Madaxweynaha Soomaaliya maalin ka hor ku tagay dalka Itoobiya.

Labada dhinac ayaa isla gartay in Guddi farsmo oo ka kala socda labada dhinac in ay isku yimaadaan, kana hadlaan arrinta biyaha wabiga Shabeelle, sida uu sheegayo Wasiirka Arrimaha Dibada Yuusuf Garaad oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha.

R/wasaaraha Itoobiya ayaa balan qaaday in 500 Boqol oo Arday Soomaaliyeed ah uu siinayo Deeq Waxbarasho ah, taas oo isugu jirta shahaadooyinka kala duwan ee Jaamacadda.