DHAGEYSO: Hirshabeelle oo iska diiday Qorshaha Hormarinta Qaranka

Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay in ay iska diideen Barnaamijka Qorshaha Hormarinta Qaranka.

Waxa uu ku sheegay sababta ay u diideen in ay tahay Hirshabeelle in aysan jirin Qorshahan markii la sameynayay, taasina ay ku diideen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle in ay jiraan dad xasdaya Hirshabeelle, lagana xigsado Maamulada kale.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble uu dib ugu laabtay Magaalada Jowhar kadib markii todobaayadii la soo dhaafay uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.