IFJ” In la aamusiyo Saxaafadda waa mid lid ku ah xoriyadda warbaahinta”

Warbixin ay soo saartay Hay’adda ay IFJ ayaa si kulul uga hadashay caburinta lagu haya wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya.

IFJ ayaa ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan xabsiga looga siidaayo laba wariye oo ku xiran magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe,kuwasoo la soo xiray  9 July 2016,waxaana wariyayaashaas lagu kala magacabaa Cabdishakuur Cabdulaahi Axmed iyo sidoo kale Xuseen Cumar.

IFJ ayaa sheegtay in wariyeyaashaasi ay u xiran yihiin amar uu bixiyay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ka dib markii ay wareysteen dad  dhaleecaynaya maamulka Shabeelaha Dhexe,islmarkaana maamulka uu si aada ugu xumaaday arintaasi ka dibna uu xabsiga dhigay wariyeyaasha.

Xoghayaha Guud ee IFJ Anthony Bellanger ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wariyeyaashaasi ay xoriyadooda helaan.

“Kuwaani waa isku dayadii ugu dambeeyey in lagu aamusiyo saxaafadda Soomaaliyeed waa mid lid ku ah xoriyadda warbaahinta iyo dimuqraadiyadda ,waxaana u aragnaa in wariyeyaasha dhibaato loo geysanaayo”  ayuu yiri Anthony Bellanger