DHAGEYSO: Faah faahin Iska hor imaad ka dhacay Dharkeynley

Muqdisho-RisaalaFM- Iska hor imaad udhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa barkhadii maanta ka dhacay xaafada Siliga ee degmada Dharkeynley,

Iska hor imaadka ayaa la sheegay in uu geystay khasaare soo kala gaaray Labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.

Israsaaseynta ayaa la sheegay in ay ku bilaawatay kadib markii Labada dhinac ay isku qabsadeen Guri ku yaala degmada Dharkeynley.

Goob Jooge ayaa Idaacadda Risaala usheegay in iska hor imaadka uu dhacay barkhadii maanta, sidoo kalena uu geystay khasaare.,

Waxa uu sidoo kale sheegay Goob joogaha in hada xaaladu ay tahay mid degan oo Labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamay la kala qaaday.

Maalmihii udambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay dadka isku heysta Guryo ka mid ah kuwa ku yaala magaalada Muqdisho.