Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa maanta afurin u sameysay 150 qof oo ka mid ah dadka danyarta ah, Dadkan la afuriyay ayaa ku nool xerooyin iyo Kaamam ku yaalla degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Dadka ka faa’ideystay deeqdan afurinta ah ayaa u mahadceliyay Idaacadda Risaala iyo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay afurka la gaarsiiyay.
Lacagaha afurinta loogu sameeyay dadkan ayaa waxaa bixiyay dhageystayaasha Idaacadda Risaala oo si toos ah ugu qeyb qaadanaayay Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar oo galabta kasta ka baxa Idaacadda Risaala.
Qaar ka mid ah dadkii ka faa iideystay deeqdan afurinta ayaa Maamulka Idaacada iyo dadkii ka qeyb galay barnaamijka loogu gurmaday uga mahadceliyay, waxa ayna dalbadeen in la joogteeyo.
Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda maamulka degmada Deyniile ayaa ka warbixiyay xaalada ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah iyo deeqda afurinta ee la gaarsiiyay.
Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar ee ka baxa galabta kasta Idaacadda Risaala ayaa ah barnaamij lacago loogu aruuriyo dadka danyarta ah ee aan awoodin iney iska bixiyaan afurka.




