Idaacadda Risaala oo dib u balaarin dhanka maqalka ah lagu sameeyay (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa hawada ka maqneyd 9-kii iyo 10-kii bishan June, kadib markii Idaacadda lagu waday hawlo ku aadan dib u balaarin dhanka maqalka Idaacadda ah iyo sidoo kale adeegyada ay qabato.

Dib u balaarinta Idaacadda ee ah in la gaarsiiyay oo si toos ah looga dhageysto gobolada Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay soo codsadeen dhageystayaasha Idaacadda, in dib u habeyn lagu sameeyo.

Sidoo kale Idaacadda waxaa si toos ah looga dhageysan karaa Website-ka Radiorisaala.com iyo Risaala.net, sidoo kale qeybaha baraha bulshada sida Facebook, Twitter iyo Apple-ka ayaa laga dhageystaa Raadiyaha Risaala.

Inta ay Idaacadda dib u habeynta ku socotay ayaa waxaa kormeer ku yimid Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo ku xigeenka Koowaad ee dhanka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo qaar ka mid ah Mas’uuliinta kale ee gobolka ayaa kormeeray Xafiisyadda Idaacadda.

Gudoomiye Yariisow ayaa xarunta Idaacadda Risaala waxaa ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Risaala Ustaad Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi, waxaana Duqa Muqdisho uu ammaanay shaqada ay Idaacadda u heyso shacabka.

Idaacadda Risaala oo jirta muddo 7 Sano ah ayaa lagu xasuustaa Barnaamijyo badan oo Bulshadda danyarta wax badan ku soo kordhiyay in Idaacaddu ay baahisay, islamarkaana dadka Soomaaliyeed ay kala qeyb qaadatay Marxaladdihii adkaa ee la soo maray.