Idaacadda Risaala oo bilowday Barnaamijka Gurmad

Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala oo ka duuleysa hadafka ah u gurmashada dhibanayaasha Qaraxii Zoobe 14-kii bishan ku waxyeeloobay ayaa maanta waxa ay bilowday Barnaamij, loogu magac daray Gurmad, kaasi oo 04:00-PM ee galabnimo ka baxa Idaacadda, isaga oo rogaal celis ahna baxa 08:00 fiidnimo.

Barnaamijkan oo maanta bilowday socdayna mudo saacad ah, ayaa waxaa lagu uruuriyay dhaqaale bilow ah, oo ay soo direen dhageystayaasha ku xiran Radio Risaala FM 102.2-Mhz iyo Internetka Risaala.net, ee ku kala sugan dal iyo dibadba.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa sheegay Risaala in looga bartay Barnaamijyada dadka loogu gurmanayo ee nuucaan oo kale ah, marka ay u baahan yihiin garab istaaga.

Wuxuu sheegay Maamulka iyo shaqaalaha Risaala in marwalba ay ka go’an tahay in ay u shaqeeyaan ayna gacan qabtaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwu u baahan garabka, taas bedelkeeda ayuu shacabka ugu baaqay cidii awooda tabarucaada in ay ka qeyb qaadato.

Idaacadda Risaala ayaa aad uga qeyb qaadata Barnaamijyada dadka loogu gurmado laga soo bilaabo 2011-kii xilligaasi oo Abaaro daran ay dalka ka jireen, iyada oo sidoo kale Ramadaankii ina dhaafay sameysay Barnaamij loogu magac daray (Afuri walaalkaaga oo hel laba Ajar), kaasi oo lagu afuriyay dad badan, sidoo kalena lagu ciidsiiyay caruur barakacayaal ah oo boqolaal gaaraya.

Qofkii doonaya in uu gurmadkan ka qeyb qaato wuxuu tabarucaadiisa ku soo hagaajin karaa 252618003111 oo Barnaamijka u gaar ah.