Gaalkacyo-RisaalaFM- Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa wada howlgalo lagu baadigoobaya kooxihii dambeeyay dil xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay xilidhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Gaalkacyo oo lagu magacaabo Siciid Xeyle
Xilidhibaan Siciid Xeyle ayaa xalay Kooxo hubeysan waxay ku toogteen xaafada Garsoor ee magaalada ee xarunta gobolka Mudug waxaana goobta ka baxsaday kooxihii dilka geystay .
Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa ka mid ah xaafadaha inta badan ay dilalka ka dhacaan.
Maamulka gobolka Mudug ayaanan weli ka hadlin dilkan xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay Xildhibaan Siciid Xeyle oo kamid ahaa mudanayaasha Golaha deegaanka ee magaaladaasi.
Amniga Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa faraha ka baxay waxaana lagu dilay intii lagu guda jiray bisha ramadaan madaxda ka tirsan Puntland.


