Shacabka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa maanta u dabaal dagaya markii ay xoriyadda ka qaateen gumeystihii Faranciiska oo muddo gumaysanaayay Jamhuuriyadda Jabuuti.
Dowladda Jabuuti ayaa xoriyadeeda qaatay 27-bisha June waxayna ka qaadatay gumeystihi Faransiiska.
Magaalooyinka iyo Sidoo kale gobolada dowladda Jabuuti ayaa waxaa ka socda dabaal dag xoogan,waxaana calanka lagu sharaxay magaalada Djabuuti ee dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle oo muddo dheer maamulaayey dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo Shacabka Jabuuti.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa hambalyo u diray Shacabka reer Jabuuti.


