Howlgallo gaar ah oo caawa ka socda Beledweyne

Beledweyne-RisaalaFM- Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan caawa waxaa ka socda Howlgallo gaar ah, kadib markii maanta Shabaab weerar khasaare geystay ay ku qaadeen saldhig Ciidanka Jabuuti ay leeyihiin Magaaladaasi.

Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay in caawa ay Howlgallo wadajir ah wadaan Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Howlgaladan horkaceysa ayaa Risaala u sheegay in ujeedka Howlgalladan ay yihiin sidii loo sugi lahaa Amniga, iyo sidii looga hortagi lahaa weerarada Shabaab.

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa caawa ah mid jawigeeda uu degan yahay oo dhaq dhaqaaq ciidan uu ka jiro, sidoo kalena ay xiran yihiin goobaha Ganacsi.