Kismaayo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow Bambo gacmeed lagu tuuray xarun Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin xaafada Booliska ee Magaaladaasi.
Bambo gacmeedka kadib ayaa Ciidanka halkaasi ku sugnaa waxa ay afarta jiho u rideen Rasaas fara badan, waxaana kooxihii Bambo gacmeedka tuuray ay ka baxsadeen goobta, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.
Wariyaha Risaala ee Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in hada halkaasi ay soo gaareen Ciidanka Amaanka, kuwaasi oo wada baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay Bambo gacmeedka lagu tuuray fariisinka Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin xaafaa Booliska ee Magaalada Kismaayo.


