Howlgallo Culus oo ka socda Boosaaso

ka dib markii Nin hubeysan uu maanta Masaajid ku yaalla Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari uu ku dhex toogtay nabadoon caan ka ahaa degaanada Dowlad goboleedka Puntland kaasoo lagu Magacaabi jiray  Suldaan Bashiir Muuse Koonte ayaa Ciidanka Puntland waxa ay bilaabeen howlgal culus oo lagu raadinaayo Kooxdii dilka geysatay.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Boosaaso.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Boosaaso.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Boosaaso.