DHAGEYSO: Soomaaliya oo ku howlan wax ka qabashada dhibaatadda Korontadda

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto sidii ay wax uga qaban laheyd Qiimaha Korontadda oo aad u sareeya, islamarkaana ay gacanta ku hayaan Shirkado si gaar ah loo leeyahay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Korontadda iyo Biyaha Cismaan Libaax Ibraahim oo shir uga qeyb galay dalka Ingariiska ayaa warbaahinta u sheegay in kulamo gaar ah la yeeshay Shirkaddo Sameeya Koronto raqiis ah si looga baxo dhibaatadda taagan.

Waxaa uu sheegay in shirkaasi Soomaaliya uu u lahaa Faaido badan, Maadaama dalkaan aysan ka jirin Koronto ay dowladda Soomaaliya ay maamusho.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu Korontada Qaalisan dalalka geeska Afrika, Maadaama ay gacanta ku hayaan Shirkaddo si gaar ah loo leeyahay.