DHAGEYSO: Somaliland oo faahfaahisay Kulan ay uga qeyb gashay Jabuuti

Wafdi Wasiiro ah oo ka socday Somaliland oo dhawaan ka gaaray dalka Jabuuti ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Hargeysa, waxaana ay faahfaahin ka bixiyeen waxyaabihii ay kala soo hadleen Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha Jabuuti  ay kala hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Somaliland iyo Jabuuti.

Wasiirka ayaa tilmaamay in kulan ay yeesheen sidoo kale looga hadlay Ammaanka Xadka ay wadaaggaan Somaliland iyo Jabuuti, islamarkaana Jabuuti ay ballanqaaday in Somaliland ay ka caawin doonto sidii ay u heli lahaayeen Ciidamo gaar ah oo qaabilsan xadka.

Kaahin ayaa tilmaamay in lagu heshiiyay in la sii waddo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti.