Howlgal gaar ah oo ka dhacay wadada xiriirisa Baydhabo iyo Buurhakaba (SAWIRRO)

Baydhabo-RisaalaFM- Howlgal gaar ah ayaa maanta ka dhacay wadada xiriirisa Degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay, kaasi oo ay sameeyeen Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo ay wehlinayaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Howlgalakan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii tiro ka mid ah xoogag ururka Al-Shabaab lagu arkay iyagoo ku sugan qaybo ka mid ah wadada, taas oo dhabaha u xaartay in ciidamadu ay ku dhaqaaqaan.

Hawlgalkan oo dhawr saacadood qaatay, ayaa waxaan jirin wax Shabaab ah oo ciidamadu ay kula kulmayn wadada, ka dib markii la sheegay inay halkaasi isaga tageen.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed ayaa horkacayay Howlgalkan, waxaana ku wehlinayay masuuliyiin uu ka mid yahay Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow) oo ah Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Degmada Baydhabo.

Wuxuu sheegay Wasiirka oo hawlgalka ka dib la hadlay warbaahinta in shacabka ay kaga mahadceliyaan sida ay ugu soo wargeliyeen Shabaabkii ku soo dhuuntay wadada, waxaana uu ku bogaadiyay inay laba laabaan wada shaqayntooda.

“Shabaabku way ka carareen goobihii lagu arkay, sababo ku aadan  markii ay ka war heleen in ciidamadu ku soo wajahan yihiin, waxaan taggi doonaa goob kasta oo la soo sheego inay ku sugan yihiin Shabaabka.” Ayuu yiri Wasiirka.