Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarixii lagu dilay Shaqaalaha Shirkadda Hormuud

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareyneysay  qarixii lagu diay Shaqaalaha ka tirsan Shirkadda Hormuud, kaas oo shalay gelinkii dambe ka dhacay degaanka Garas-baaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri” Falkaan oo ahaa mid ka fog Diinta iyo Qiyamka Bini-daamka waxa ay Khawaarijtu si ku tala gal ah ugu beegsatay gaari ay leedahay shirkaddu kaas oo ay saarnaayeen lix muwaadin oo ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda kuwaas oo dhamaantood ku naf-waayay ficilkaas.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya