Ciidanka dowladd Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameyay xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgallada ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen dad u badan dhalinyaro kuwaa soo lagu tuhmaayo in ay xiirri la leeyihiin ururka Al-Shabaab.
Howlgalka intii uu socday ayaa ciidanka dowladda Soomaaliya dhalinyarada ay qabteen waxa ay waydiinayeen in ay qaateen kaarka aqoonsiga ee minishiibiya, oo dhawaan maamulka gobolka Banaadir iyo Hay’ada Nabad suggida ay sheegeen in looga baahan yahay dadka kunool Muqdisho in ay qaataan.
Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya wali faahfaahin kama bixin howlgalka xalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.


