Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa loo doortay Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda,halka ku xigeenkiisa loo doortay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga horusocod Qaran oo ay sameysteen Madaxda maamul goboleedyadda.
Isbedelkaan ayaa lagu sheegay in uu ka qeyb ka yahay dardargalinta howlaha maamul goboleedyadda.



