Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo lala socodsiiyay diyaargarowga duqaynta Guam

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa dib u eegis ku sameeyay qorsheyaasha gantaalada loogu garaacayo jasiiradda Guam ee dalka Maraykanka, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka. Marka horena wuxuu dalkaasi eegi doonaa ficilka uu Maraykanku qaado.

Inkastoo ay u diyaargaroobeen “duqaynta Guam” hadda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay eegi doonto go’aanka Maraykanka.

Toddobaadkii hore ayay cirka isku shareertay hanjabaadda Guan, ka dib markii ay labada dal sare u qaadeen cago juglaynta ay isu jeedinayaan.

Warbixinta wakaaladda wararka dawladda ee KCNA ayaa lagu sheegay in Kim Jong-un uu “qiimayn ku sameeyay qorshaha wakhtiga dheer” uuna arrintan kala hadlay saraakiisha sare ee milatariga.